Somaliland: Waxaan Rejaynayaa In Dambiileyaashii Xasuuqay Ummada Somaliland In Aynu Ka Daba Tagn

134

Badhasaabka  gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine),  ayaa ka hadlay xaalada abaarta ee ka taagan gobolka, waxaanu  ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba in gar-gaar deg-deg ah lala soo gaadho bulshadda ay abaartu ku dhufatay. Waxaanu sheegay in abaarta ka taagan degaamadda hoos ymaadda gobolka Gabiley in ay muddo dhawr sanadood ah soo jiitamaysay, isla markaana ay sababtay roobabka aan sanadihii la soo dhaafay si fiican uga di’in meelahaasi, kadibna   uu dhamaday raashinkii dadka u kaydsanaa iyo calafkii xoolaha.

Badhasaabka gobolka Gabiley oo shalay Hargeysa ugu waramay wargeyska Dawan, waxa uu sheegay inay abaaro baahsani ka jiraan degaamadda hoos yimaada gobolka, isagoo xusay in maamulka degmadda iyo ka gobolkuba ay ka hawlgaleen sidii caawimo loo gaadhsiin lahaa dadka abaartu ku habsatay.

Sidoo  kale  waxa uu ka hadlay Mustafe-shiinne  xabaal-wadareedyadda ay mudooyinkan danbe degaamadda gobolkaasi  ay ka soo saareen gudidda xasuuqa ee Somaliland  iyo khubarro caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha cilmi-baadhista.

Mustafe Shiine, oo  ugu horayn  ka hadlayay arrimaha  abaarta ka taagan gobolka Gabiley,  waxa uu yidhi “Muddo saddex sanadood ah gobolku ma helin biyihii uu heli jiray, waxaana ka jirtay abaar muddo soo taxnayd, dadku waa beeralay, oo  wixii ay Guga beertaan ayay  Jiilaalka kaga baxaan. Waxaana dhacday in labadii sanadood ee hore aanay dadku helin wax roob ah, oo aanay u soo gu’in midho ku filan. Kadiban  sanadkii u danbeeyay uu riiq keenay, oo  markii dadkii iyo xoolihiiba ay dhamaysteen kaydkii yaraa  ee u yaalay,  dabadeedna waxay sanadkan isla soo gaadheen dadkii iyo xoolihiiba   iyadoo aanu wax kayd ahi u  oolin, roobkii la filayayna aanu sidiila filayay u helin.

Waxaana  jirtay in wixii Lo’ ahayd ee joogtay  dhinaca  Oogadda in la geeyay dhinaca waqooyiga, woqooyiguna waxba muu dhaamin, haddii roobku ka da’ay  wuxuu ahaa roob yar,  adhigiiba wax aan ku filayn ayay noqotay. Dabadeedna waxay noqotay  Lo’dii inay ka soo guurto, soo guuridiina ay keento inay xoolihii ay soo gaadhi waayaan meelihii ay markii hore ay ka tegeen.  Dabadeedna  min Gabiley ilaa xeebtii geedaha hoostooda aad arkayso  xoolihii  iyo dadkii watay oo fadhiistay”.

Wuxuu sheegay badhasaabka Gabiley  inay gurmad balaadhan ka galeen sidii dadka abaaruhu haleeleen wax loogu qaban lahaa, isla markaana ay caawimooyin gaadhsiiyeen meello dhawr ah.  “Arrintaasi gurmad balaadhan ayaanu ka galnay, dawladda hoose ee degmadda Gabiley ayaana si weyn gacan uga geysatay, iyadoo xoolaha loogu tegay meelihii ay  joogeen, wixii aanu gaadhsiin karaynayna waanu gaadhsiinay biyo iyo baad-ba waanu gaadhsiinay. Wasiirka maaliyadda iyo wefti ay hogaaminasay, oo ay ka mdi ahaayeen  wasiirka xanaanadda xoolaha  iyagna   waxay u baxeen woqoyiga gobolka Maroodi Jeex iyo  Farro-weyne,  gurmad ay  dawladu ka gashay abaartaasi ayaa jira oo ay dadka gaadhsiisay, haddii ay tahay xukuumadda dhexe iyo dawladda hoose ee Gabiley-ba. Markaa  dhibaatadaasi abaarta ayaa  agobolka  Gabiley ka taagan.

Waa tii uu madaxweynuhu   ku dhawaaqay in roob-doon la tukado, anagu Isniintii dhawayd  ayaanu tukanay roob-doontii, waxa  keliya ee maanta dadka qaboojin karaana waa roob ILLAAHAY   u keenno”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Gabiley. Mustafe Shiine, waxa uu intaasi ku daray inay raashin u qaybiyeen dadka  abaartu haysato ee ku nool degaamo ka tirsan gobolka Gabiley. Waxaanu yidhi “Way jiraan raashin aanu dadka dhawr  jeer u qaybinay, mar ilaa 3000 qays ayaanu  raashin siinay, marna 500 qoys, marna 400 iyo dheraad qoys ayaanu siinay, imikana waxanu rejaynaynaa dhawaan in aanu ilaa 6000 qoys raashin siinno.”

Waxa kale oo uu sheegay in aanay biyo-la’aan aad u daran ka taagnayn gobolka, isla markaana ay ceel-biyoodyo badan ka jiraan gobolkaasi, hase yeeshee marka timaado in meelo  laga qayliyo biyo la’aan in ay deg-deg u gaadhsiiyaan.  “Meelaha qaar way ka jirtaa biyo-yaraan, hase yeeshee ceelal   badan ayaa ka jira gobolka, meelaha ay biyo-yaraantu ka jirtayna waanu gaadhsiinay biyaha, haddii ay tahay dawlada hoose, ama aan ka helno dawladda dhexe iyo hay’adaba, meeshii biyo la’aan laga soo sheego waanu   gaadhsinaa. Markaa guud ahaan  dadkaasi maanta gurmad ayay u baahan yihiin”ayuu yidhi Mustafe Shiine.

Sidoo kale badhasaabku waxa uu baaq u diray xukuumadda Somaliland  iyo hay’adaha caalamiga ah in muhiimad gaar ah  la siiyo sidii gar-gaar loo gaadhsiin lahaa dadka  tabaalaysan ee abaaruhu haystaan. Waxaanu yidhi “Waxaan ku baaqayaa in arrintaasi la siiyo muhiimad,  haddii ay tahay xukuumadda iyo  hay’adaha kaleba, oo loo roggo in  arrintu ay tahay xaalad deg-deg ah  si wax looga qabto, inkasta oo aanay dawladu waxba ka hagran gobolka iyo dadkeedaba si wax loogu qabto, hadana waxaan rejaynyanaa in xooga la sii saaro.”

Dhinaca kale badhasaabka gobolka  Gabiley waxa uu ka hadlay xabaal-wadareedyo maalmihii la soo dhaafay  ay gudida xasuuqa Somaliland ka heleen magaalada Arabsiyo. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Gobolka Gabiley waxa uu ka mid ahaa meelihii xukuumadii  faasidka ahayd ee Siyaad Barre maamulkii meesha u joogay inuu dadka shacabka ah   u xasuuqay.  Nin  la odhan jiray Yuusuf Tuke ayaa soo maray,  waxaana la sheegay inuu dadka qaar iyagoo nool gubay, dadka qaarna rasaas ayaa lagu laayay, qaarna baabuur ayaa lagu xidhay. Markaa xabaal-wadareedyo dhawr ah ayaa jiray, Gabiley hore ayaa looga helay, imikana Arabsiyo ayay gudidda xasuuqa ka wadaan  iyo qolo hay’ad ah   iyo Jaamacad  iyo qolo cilmi-baadhayaal isugu jira ayaa wada.”

“Waxaan rejaynayaa in danbiileyaashii xasuuqay ummada Somaliland in aynu ka daba tagno,  meel kasta oo ay joogaan. Dhibaadii ugu badnayd ee uu maamulkii Siyaad Barre u gaystay dadka reer Somaliland waxay ku salaysnayd isir-sooc  ayuu ka sameeyay Somaliland, ta xasuuqa keenaysaana waa marka ummadda magac lagu dilo, loona isticmaalo awoodii dawladda. Gabiley-na  meelihii xasuuqa ay ka gaysatay dawladii Siyaad Barre ayay ka mid ahayd, oo beel ka mid ah beelaha Somaliland lagu dabar-goynayay.  Danbiileyaashii  gaystayna qaarkood maanta way  nool yihiin, oo meello Somaliland u dhaw ayay ku nool yihiin, lagana hadhi maayo”ayuu yidhi Mustafe-shiinne.

Comments

comments

SHARE