Somalia: AMISOM iyo ciidanka Dowladda oo mar kale dib ula wareegay Degmada Marka

120

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalku ay dib ula wareegeen gacan ku haynta degmada Marka, kadib markii maalintii shalay ay ka baxeen.

Maalintii Jimacada ee shalay ayaa waxaa Marka dib u qabsadey al-Shabaab waxaana ay calamadooda ka taageen dhisamayaasha Dowladda ee magaalada. Al-Shabaab si nabad ah ayey ku galeen Marka.

Dagaal aad u culus ayaa al-Shabaab iyo AMISOM ku dhexmarey maanta meel 2km u jirta Marka oo la yiraahdo Buufow taas oo u dhexeysa Marka iyo Janaale. Wararku waxay sheegayaan in al-Shabaab ay dib ugu noqdeen goobaha ay horey ugu dhuumaaleysan jireen ee Jilib-Marka.

Dhaq-dhaqaaqa magaalada Marka ayaa ah mid xiran, waxaana dariiqyada lagu arkayaa gawaarida gaashaaman ee AMISOM, sidaa waxaa warbaahinta u sheegey qof ku sugan Marka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada AMISOm mar kale isla maanta ay ka baxeen magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabdulqaadir Siidi ayaa nasiib darro ku tilmaamey qabsashada shalay al-Shabaab ay dib u qabsadeen Marka kadib markii ay gacanta Dowladda ku jirtey tan iyo sanadkii 2012.

Comments

comments