Puntland: Wasaaradda amniga Puntland oo shacabka ugu baaqday in ay xoojiyaan amniga

137

Waxaa xarunta wasaaradda amniga ee magaalada Bosaso kulan isugu yimid guddiga amniga gobalka Bari, kaasi oo looga hadlayey amniga gobalka iyo kan Puntland.

Waxaa ku sugnaa kulanka oo ka soo qeyb galay maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, wasiirka amniga Puntland, taliyaha qeybta booliska gobalka Bari, gudoomiyaha maxkamadda cidamada qalab sida, taliska ciidanka garoonka diyaaradaha Bosaso, taliayaha ciidaanka ilaalada dekadda iyo saraakiil kale.

Wasiirka amniga Puntland Cali Xirsi Qarjab oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka kulan uu ahaa sidii loo xoojin lahaa  amniga Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso.

Wasiirka ayaa faray hay’adaha qaabilsan amniga in ay qabsadaan shaqadooda ku saabsan dhinaca amniga.

Shirkan waxa uu kaga duwan yahay shirarkii hore ee looga hadlay amniga waa shir loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galeen hay’ado badan oo qaabilsan dhinaca amniga ayuu hadlkiisa ku daray wasiirka

Comments

comments