FBI: oo ka qayb-qaadanaysa baaritaanka diyaaraddii Daallo Airlines

111
The plane landed safely

Koox yar oo ka tirsan FBI-da Maraykanka ayaa gaarey magaalada Muqdisho si ay uga qayb-qaataan baaritaanka diyaaraddii Daallo Airlines ee qaraxu ka dhaca iyada oo duulimaad ku jirta.

Kooxoaha baaritaanka ayaa sheegaya in ay aaminsan yihiin in qaraxan u sababey Bom yar oo lagu xirey laptop.

Hal qof ayaa ku geeriyoodey kaas o ka baxay daloolka weyn e qaraxu sababey,  qofka geeriyoodey oo meydkiisa laga heley Balcad ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cabdisalaam Boorle, waxaana ku dhaawacmey laba qof oo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii Khamiista dalbatey baaritaan caalami ah in lagu sameeyo diyaaradda Daalo Airlines.

Diyaaradda Daallo Airlines ayaa rakaabka ay sidey ay ahaayeen kuwii Turkish Airlines, oo iyadu joojisey duulimaadyadii ay ku tegi jirtey Muqdisho sababo aan la ogeyn.

Afhayeen u hadley FBI ayaa diidey in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo warka ka so baxay Soomaaliya ee sheegaya in FBI-du ka qaybqaadanayso baaritaanka isla markaana ay soo gareen Muqdisho.

Tan iyo markii uu dhacay qaraxa daallo Airlines waxaa shaqooyinkiisi gabaabsi noqdeen garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Comments

comments

SHARE