Somaliland: WADDANI & UCID oo sharci-daro ku tilmaamay xadhigga Ganacsade Cumar Caydiid iyo Xisbiga KULMIYE oo ka gaabsaday

112

Saddexda Xisbi ee dalka ayaa mowqifyo kala duwan ka istaagay qadiyadda xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Axmed, taasoo labada xisbi mucaarad si weyn u dhaleeceeyeen xadhigiisa, kuna tilmaameen sharci-daro, halka xisbiga Kulmiye aanu faahfaahin ka bixin.

Masuuliyiinta saddexda xisbi oo qaar ka mid ah shalay booqasho ugu tageen Ganacsade Cumar Caydiid Axmed saldhiga uu ku xidhan yahay ee Xaafada Ibraahim-kood-buur ayaa markii ay ka soo baxeen, warbaahintu wax ka weydiiyeen, siday u arkaan.

Axmed Muunin Seed, gudoomiye-xigeenka xisbiga Waddani, oo ka hadlayey ayaa sheegay inay sharci-daro tahay sifaha loo maray xadhiga Cumar Caydiid, xukuumadana ugu baaqay inay xoriyadiisa u soo celiso.

“Xadhiga ganacsade Cumar Caydiid aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa, waana lagu degdegay, haduu dembi galay iyo hadii kaleba waa in sifo sharci ah loo maro xadhigiisa.

Md. Seed ayaa sheegay inaan xadhiga ganacsade Cumar Caydiid sifo sharci ah loo marin, waxaanu yidhi,

“Xadhiga Cumar Caydiid sifo sharci ah looma marin, waanan cambaaraynayaa, waxaanan u soo jeedinaynaa in xukuumadu si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiso ganacsade Cumar Caydiid. Waa maamul-xumo qaabka loo xidhay, in sifo sharci ah loo maro xadhigiisa ayey ahayd, oo maxkamad waaran looga soo qaato”

Sidoo kale, masuul xisbiga UCID u hadlay ayaa sheegay inay cambaaranyanaan, isla markaana tahay arrin ku cusub Somaliland, waxaanu yidhi,

“Xadhiga Ganacsade Cumar caydiid waanu cambaaraynayanaa, waana arrin ku cusub Somaliland in dadka ganacsatada ee dadka iyo dawladaba dantu ugu jirto, in xadhigii hore shacabka loogu hayey ee sharci-darada ahaa manta heerkan marayo, waana arrin u quus-goynaysa shacabka Somaliland.”

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo wehilinayo gudoomiyaha golaha dhexe Jaamac Shabeel oo saxaafadu wax ka weydiisay ayuu Jaamac Shabeel ku jawaabay, in arrinka la dhamayn doono, waxaanu yidhi,

“Waxaanu soo booqanay anniga iyo Gudoomiye Muuse Biixi maxbuuska Cumar Caydiid, arrintana waa la gelayaa, waa la dhamaynayaa, wax dhib ahna ma jirto, nabadgelyaduna waa jamjam, xaaladiisuna aad ayey u fiican tahay.”

Inkastoo labada xisbi mucaarad Waddani iyo UCid mowqif isku mid ah ka istaageen xadhiga ganacsade Cumar Caydiid, kuna tilmaameen mid sifo sharci daro ah loo maray, ayaa dhinaca kale inkastoo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi aanu jawaab ka bixin mar wax laga weydiiyey iyo weliba masuul kaloo xisbiga Kulmiye xadhiga ganacsade Cumar caydiid sharci tahay iy sharci-daro midka ay tahay.

Dhinaca kale, ciidamada Booliiska oo sifo sharcidaro ah, isla markaana baalmarsan dastuurka iyo shuruucda dalka doraad ku soo xidhay ganacsade Cumar Caydiid ayaa ilaa wakhtigan la sheegayaa inaan la horgeyn maxkamad awood u leh qaadista dacwadiisa.

 

Comments

comments