Somalia: Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating oo gaaray Kismaayo

126

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi uu hor kacayo safiirka cusub ee wakiilka uga ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Michael Keating ee sanadkii hore damaadkiisa loo soo magacaabay.

Waxaa wafdiga garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyey madaxda Jubbaland oo ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Cabdullaahi Sh Ismaaciil Fartaag iyo masuuliyiin kale oo maamulka tirsan.

Safarkan oo ah kii ugu horeeyey ee safiirka ku tago Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay is xogwaraysi ku aadan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaana uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madobe.

Mr. Michael Keating iyo Axmed Madoobe ayaa dhamaadkii bishii hore kuwada kulmay magaalada Muqdisho oo ahaa kulankoodii u horeeyey.

Comments

comments

SHARE