Puntland: Madaxweyne Gaas oo Qardho soo gaaray kuna wajahan Garowe

113

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa saaka oo khamiis ah soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar madaxweynaha ayaana kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso oo mudooyinkan uu ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa bulshada Qardho ku soo dhowaysay meel 20 km u jirta magaalada waxaana markii dambe loosoo galbiyay dhanka magaalada waxaana madaxweynaha ladajiyay xarunta madaxtooyada magaalada Qardho halkaasoo uu kulamo kula qaadan doono Maamulka gobolka kan degmada, odayaasha iyo waxgaradka waxaana lafilayaa inuu halkaa qada sharaf kula qaato masuuliyiinta iyo odayaasha gobolka karkaar.

Madaxweynaha ayaa inta uusan qardho soo gaarin wuxuu socdaal kusoo maray degmooyinka iyo tuulooyinka u dhaxeeya Boosaaso iyo Qardho.

Madaxweynaha ayaa isla maanta ku wajahan caasumada Puntland ee garowe oo uu in muda ah ka maqnaa.

Comments

comments