Somaliland: Duulimaadyaddii Tagi Lahaa Magaaladda Mugdisho Oo Saaka Ka Kala Degay Dalalka Somaliland Iyo Jabuuti Iyadoo Shirkadaha Qaar Diideen Inay Fadhiistaan Garoonka Moqdisho

Hargeisa airport a gateway to Somaliland recognition
Hargeisa airport a gateway to Somaliland recognition

Madaarka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta la ciir-ciira dadweyne iyo mashquul xoog leh kadib markii Diyaaradda JUBA EXPRESS oo sitay Rakaab Ku socda Magaaladda Mugdisho

ay si kedis ah uga degtay Madaarka Caasimadda Hargeysa ee somaliland isla markaasna ay ka cudurdaaray inay u gudubto magaaladda Mugdisho .
Geesta Kalenna Diyaaradda Turkish Airline oo saaka qorshuhu ahaa inay ka degto garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee Magaaladda Mugdisho ayaa fadhiistay Madaarka Jabuuti isla markaasna rakaabkii ay sidday ku rogtay magaaladda Jabuuti., halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin rakaabku
Guud ahaan Shirkadaha Diyaaradaha ee Isticmaali jiray Garoonka diyaaraddaha ee Mogdisho ayaa maanta joojiyay duulimaadkii ay ku tagayeen garoonka Mugdisho waxayna arrintani kusoo beegmaysaa xilli ay Dowladda Somaliya Mamnuucday isu socodka Somaliland iyo Somaliya.
Rakaabka u socday magaaladda Mugdisho oo wakhtigan ku sugan madaarka ayaa la filayaa in loo daadgureeyo magaaladda mugdisho maalinta berri ah .

Comments

comments

SHARE