Somalia: Ardayda Jaamacada Muqdisho oo soo gabagabeeyey imtixaankii Simisterka 1-aad ee sanadka 2015-2016

451

Ardayda jaamacadda Muqdisho-faraca Bosaso dhigata oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa soo gaba-gabeeyey imtixaankii semesterka 1-aad ee sanad waxbarashdeedka 2015-2016.

Imtixaanka ayaa ka dhacay xarunta jaamacadda ee magaalada Bosaso iyadoo ardayda imtixaanka u fariisatay wajiyadooda laga dheehankarayey sida ay ugu faraxsan yihiin dhammaynta imtixaanka semesterka 1aa-d.

Maamulka xarunta Bosaso ee jaamacadda Muqdisho Abdullahi Sh. Xasan oo la hadlayey warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayaa uga mahadceliyey dhammaan ardayda dhammaysay imtixaanka semesterka.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey waalidka ardayda dhalay ee ku aaminay ardayda waxbarashadooda

Mr. Abdullahi ayaa intaa ku daray in kuliyadaha imtixaanka loo fariistay ay yihiin 4 kuliyadood iyo 10 takhasus oo kamid ah qeybaha ay Jaamacadda Muqdisho bixiso.

Jaamcadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa waxay kaalinta 50-aad ka gashay 100-ka jaamacadood ee ugu horreeya Afrika, lehna aqoonsi caalami ah waxa ay ka mid tahay ururada jaamacadaha ugu waawayn caalamka, iyadoo ardaydii jaamacadda wax ka bartay ay hadda ka shaqeeyaan dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka somaaliya, in kale oo badanna ay tacliinta sare ee mastarka iyo PhD-da ka diyaariyaan jaamacadaha kale ee dunida

Comments

comments