Soomaaliya iyo Britain oo kala saxiixdey iskaashi dhanka amniga ah

106
?????????????

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdqaadir Sheekh Cali Diini iyo DanjirahaMidowga Boqortooyada (UK) u fadhida Soomaaliya Amb Harriet Mathews, ayaa maanta xarunta safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wax wada qabsi oo dhanka Amniga ku saabsan.

Saxiixa Heshiiska ka dib, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in heshiiskani uu wax badan u tarayo labada dal isla markaana ka caawinayo in ay iska kaashadaan la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku ah dalka Soomaaliya, Gobolka iyo Caalamka guud ahaan.

“Heshiiskan wuxuu Soomaaliya ka caawin doonaa in awood ay u hesho dhismaha Hay’adaha ammaanka iyo sidoo kale in labada dalka ay yeeshaan wada shaqayn dhow oo la xiriirta Amniga, si aan uga guuleysano kooxaha xagjiriinta ah ee dhibatada ku haya dalkeena.” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiir Diini, ayaa tilmaamay in Britain kaliya aysan ka qeyb qaadan xaqiijinta amaanka, balse ay Soomaaliya ka taageeraan arrimo badan oo kamid yihiin Siyaasadda iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.

Comments

comments