Chelsea vs Manchester City, Arsenal vs Hull City Iyo Isku Aadka Wareega Shanaad Ee Emirates FA Cupka Oo La Soo Saaray Iyo Kulamo Xiiso Badan Oo Ka Soo Baxay

152

Waxaa hadda la soo saaray isku aadka wareega shanaad ee FA Cupka, waxaana wareega shanaad ku tartami doona 16 kooxood, waxaana wareega shanaad u soo baxay dhamaan kooxa waa wayn marka laga reebo Liverpool oo kulan ku celis ah la ciyaari doonta kooxda West Ham.

Kooxda Chelsea ayaa ugu danbaysay oo wareega shanaad u soo baxday kadib markii ay 5:1 ku xasuuqday kooxda MK Dons, Arsenal ayaa guul garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Burnley, iyada oo Man United iyo Manchester City ay guulo ka soo gaadheen kooxaha Derby County iyo Aston Villa sida ay ukala horeeyaan. Sidoo kale kooxaha Tottenham iyo Everton ayaa boos ka helay wareega shanaad taas oo xiiso gaar ah u yeeshay wareega 16 ka kooxood ee FA Cupka.

Koox kasta oo guulaysta kulamada wareega  shanaad ee u soo baxda sideed dhamaadka FA Cupka ayaa heli doonta abaal marin lacageed oo ah £180,000 kun oo Pound, kooxdii guul darysata ayaan wax lacag ah heli doonin, waxaana kulamada wareega shanaad ee FA Cupka la ciyaari doonaa usbuuc dhamaadka 19-22 Feburay.

Kooxda koobkan difaacanysa ee Arsenal ayaa wareega shanaad la ciyaari doonta kooxda Hull City ku soo dhawayn doonta Emirates Stadium, laakiin kulan ugu xiisaha badan ayaa ah in Chelsea ay Stamfrod Bridge ku soo dhawayn doonto kooxda Manchester City.

Manchester United ayaa markale marti noqon doonta waxayna u safri doontaa kooxda Shrewsbury halka Liverpool haddii ay soo baxdo ay la ciyaari doonto isla makraana ay booqan doonto kooxda Blackburn.  Waxa kale oo soo baxay kulan London Derby ah oo dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Crystal Palace halka Bournemouth iyo Everton ay kulan wada yeelan doonaan.

22-5

Comments

comments