Somaliya: Raysalwasaaraha Soomaaliya oo si weyn u difaacey go’aankii doorashada 2016

108

Raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa si weyn u difaacey go’ankii Xukuumadda federaalku ka gaartey doorashooyinka 2016, kadib shirkii wadatashi ee lagu qabtey Muqdisho.

Raysalwasaare Cumar oo waraysi sii laanta afsoomaaliga ee VOA ayaa sheegay in ay arintan dhan walba ay ka eegeen, marka la eego waqtiga harsan iyo xaaladda lagu jirona ay go’aansadeen 4.5 in dib loo qaato, halka aqalka sare agu soo xuli doono Dowlad Goboleedyo.

“Anaga ka dowlad ahaan, waxaan noo muuqatey in haddii awood-qaybsiga dowladda maamul lagu sameeyo ay keeni doonto xasilloonidarro hor leh, ma dooneyno inaan Soomaaliya ka dhigno sida Ciraaq ama Afqaanistaan, Sababta ugu weyn ayaa ah in aysan jirin wax tira-koob ah oo laga sameyey dalka” ayuu Raysalwasaaruhu.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa mar la weydiyey in go’aanka Dowladdu gartey Puntland ay ka hortimi, sheegay in arrintaani ay soo socotey tan iyo sanadkii 2012, sababtaasna ay tahay midda Puntland uga kacdey, lakiin arrin aan Puntland weli gaarin iyaduba waa adag tahay ayuu yiri in si deg-deg ah lagu gaaro.

Comments

comments