Puntland: Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Dekadda Bosaso

110

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah kormeer ku soomarey Dekedda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee Puntland, taas oo dhowaan lagu bilaabi doono balaarin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha-indheeyey xafiisyada waax-yaha kala duwan ee Wasaaradda Maaaliyaddu ay ku leedahay gudaha Dekedda Boosaaso, oo iyagu qaabildan ururinta canshuuraha alaabaha dekadda ka soo dega ama ka dhoofa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale soo kormeeray Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda oo iyaduna ku dhextaala dgudaha dekadda Bosaso, halkaas oo warbixino kaga dhegeystey Wasiiru-dawlaha wasaaradda iyo Wasiir-kuxigeenka wasaaradda kallumaysiga iyo khayraadka badda Puntland.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kormeerkiisa ku tegey Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la-dagaallanka Burcad badeedka, waxaana uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, waxaana wasiirku ka sheekeeyey qalabka dhawaan yimid dekadda ee lagu ballaarinaayo, taas oo Madaxweynuhu soo arkay.

Meelaha kale ee uu maanta booqdey Prof. gaas waxaa kamid ah Wasaaradda ganacsiga Puntland oo ku taala dhabarka danbe ee Dekadda Bosaso, halkaas oo uu warbixin ka dhegaystey Wasiirka.

Cabdiweli Calin Gaas ayaa maalmihii ayaa tan iyo 7 Janaayo ku sugnaa Bosaso, marar uu ka aadey Kismaayo iyo Muqdisho maahee, waxaana uu wadaa dedaal lagu dardargelinaayo shaqooyinka Bosaso.

Comments

comments