Somaliland: Maamulka Dawlada Hoose Degmada Borama Oo Bilaabay Sunaynta Eyda Ku Nool Magaalada+Eyda Oo maydadkoodu

166
Maamulka dawlada hoose ee degmada borama oo dhawaan baaq ay soo saareen wacad kumaray inay sunaynayaan xayawaanka loo yaqaano eyda oo buux dhaafiyay magaalada isla markaana markaad lug ku marayso suuqyada magaalada borama ay indhahaaagu qabanayaan ey Usocota raxan raxan ayaa saaka ay maamulku bilaabeen inay suneeyaan xayawaankaasi, iyada oo saaka bulshada magaalada borama ay ku waabariisteen ey la suneeyey oo Maydkoodu yaalaan wadooyinka magaalada Borama.
Ururka Dhataatiirta xayawaanka somaliland oo iyaguna maalintii shalay ahayd baaq soo saaray isla markaana maamulka dawlada iyo ka gobolka awdal ay uga digayaan inay suneeyaan xayawaanka ayaanay maamulku dhag jalaq u siinin, iyagoona saaka subaxi hore bilaabay inay suneeyaan.
masuuliyiinta suneeyey eyda ayaa iyagu ka taxadirin dhibaatada caafimaad ee ay keeni karaan hadii maydadka eydu ay sii yaalaan wadooyinka, iyadoona sababi karta caafimaad daro iyo waliba xanuuno

Comments

comments