Ka Hor Kulanka FA Cupka Ee West Ham, Jurgen Klopp Oo Si Faah Faahsan Uga Warbixiyay Xaaladaha Dhaawac Ee Nathaniel Clyne, Philippe Coutinho, Martin Skrtel,Dejan Lovren iyo Jordan Henderson

97

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka wareega afraad ee FA Cupka ee ay Reds la ciyaari doonto kooxda West Ham ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawacyada kooxdiisa. Klopp ayaa ka warbixiyay xaaladaha Nathaniel Clyne, Philippe Coutinho, Martin Skrtel,Dejan Lovren iyo Jordan Henderson iyo waliba in Steve Caulker uu diyaar u yahay kulanka FA Cupka.

Klopp ayaa sheegay in Dejan Lovren uu diyaar u yahay in uu ku bilawdo shaxdiisa kulanka Hammers wuxuuna Klopp farxad ka muujiyay in  Steven Caulker uu ciyaari karo kulaka FA Cupka kadib markii uu sharci ahaan ku seegay kulamadii Capital One Cupka.Liverpool ayaa FA Cupka wajahaysa West Ham oo xili ciyaareedkan laba kulan garaacday balse Klopp ayaa doonaya in uu markale magacaabo koox da’yar ku jirto.

Klopp oo ka hadlayay Dejan Lovern iyo Steve Caulker  ayaa yidhi: “Dejan waa war fiican. Dejan waxa uu kursiga kaydka ku jiray kulankii Stoke, hadda wuu soo laabtay.Steve Caulker ma dhaawacna laakiin kulankii Stoke muu ciyaari karayn hadda waxa uu diyaar u yahay FA Cupka, waxa uu la mid yahay ciyaartoy cusub”.

Intaa kadib ayuu Klopp ka hadlay Philippe Coutinho wuxuuna sheegay in uu ku dhaw yahay in dib ugu soo laabto tababarka wuxuuna yidhi: “Coutinho waxa uu ku dhaw yahay in uu dib ugu soo laabto tababarka, laakiin wali tababarka kooxda kuma jiro, waxa uu dhamaysan doonaa laba ama saddex qaybood oo dib u hayntiisa ah wuuxuna kadib nagula soo laaban doonaa garoonka”.

Klopp oo ka hadlaya Skrtel iyo Nathaniel Clyne ayaa yidhi: ” Skrtel miyaa? Maya. Nathaniel Clyne waa suurtogal, laakiin ma hubno in uu ciyaari karo, aad ayuu u fiican yahay, waxa uu ahaa jilib ka horyimid jilib taasina xaqiiqdii way xanuun badan tahay.Clyne maanta tababarka ayuu qaadanayaa wax badan ayaananu ka ogaan doonaa”.Klopp oo sii wata ka warbixinta xaalada ciyaartoydiisa ayaa ka hadlay Henderson kaas oo uu muujiyay in uu ciyaari karo kulanka West Ham basle uu wali dhibaato dareemayo wuuxuna yidhi: “Hendo waxa uu noqon karaa doorasho. Xaqiiqdii Henderson wax fiican ayuu kooxda u soo qabtay waqtigii adkaa isaga oo waqti dheer dhaawac ku maqnaa, waxa uu wali dareemayaa dhibaato, kaliya waa xanuun laakiin markasta waa xanuun”.

Klopp ayaa dhibsanaya wararka badan ee markasta laga waydiiyo xaalada aan ka soo raynta lahayn ee Daniel Sturridge, wuxuuna sheegay in aanu jirin wax war ahi wuxuuna yidhi: “Wax war ahi ma jiro. Xaqiiqdii ma jiro waxaan idiin sheegaa haddii aan daacad ahaado.Daniel wali wuu shaqaynayaa, mararka qaar way fiican tahay, mararka qaarkoodna wayba ka sii xun tahay, todobaadyadii la soo dhaafay tababar badan ayuu qaatay, laakiin xidhiidh may ahayn oo waqtiyo nasasho ayaa jiray, waxa uu u baahan yahay joogtayn tababarka ah taas ayaa ah waxa aanu isku dayayno in aanu samayno”.

Comments

comments