Somaliya: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya tacsida askartii Kenya looga diley Ceel-cadde

118

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaca ah u duuley xarunta dalka Kenya, waxaana uu ka degey magaalada Eldoret halkaas oo lagu qabanayo baroordiiqda. Madaxweynaha waxaa diyaaradda markii uu ka soo degey soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto.

Safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu ka qaybgalay tacsi iyo baroor diiq loo samaynayo askartii dalka Kenya looga diley gobolka Gedo bartamihii bishan Janaayo. Madaxda kale ee tacsida ka qaybgalaysa waxaa kamid ah Madaxweynaha dalka Neyjeeriya Muhammedu Buhari oo dalkiisuna la daala dhacayo dhibaatada ururka xagjirka ah ee Boko Xaraam.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada rasmiga ah ee Kenya looga diley weerarkii Ceel-cadde, marka laga yimaado sheegashada al-Shabaab ee ah in ay dileen 100 askeri.

Dhanka kale Warar Horseed Media soo gaarey ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dileen guddoomiyihii Ceel-cadde iyaga oo ku eedeynaya in uu khiyaameeyey askartoodi, waxaana guddoomiyaha la diley magiciisa lagu sheegay Cabdirashiid Cabdi Qoorleex.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay cakiran tahay isla markaana khilaafka ka taagan doorashooyinka 2016  aan xal loo helin, waqtiga ka harayna uu yahay doorashooyinkana uu yahay mid aad u yar.

askarta

Comments

comments