Jarmalka: Dalka Jarmalka Oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Ciidan Milltary oo Awood Badan Iyo Saamaynta Laga Filayo In Ciidankani Aduunka Ku Yeesho.

123

Wasaarada Gaashaan-dhiga wadanka JARMALKA ayaa ku dhawaaqday dhismaha ciidan milatary oo baaxad leh ka dib markii ay sanadkii hore soo baxday in hoos udhac waynu ku yimi awooda ciidanka dalka Jarmalka 10 kii sano ee u danbeeye . lacag lagu qiyaasay 119 bilion oo Euro ayaa lagu sheegay warbixinta in ay dawlada fadaraalka jarmalku ku bixinayso dhismaha Ciidanka Milatry ee la dhisayo . Ciidankan baaxada leh ee ay dhismihiisa ku dhawaaqday dawlada Faderaalka jarmalku ayaa ah mid ay xukuumada jarmalku ugu talo gashay mid ay ku difaacado wadankeeda Qabtana hawgal milatry oo dalka jarmalka iyo midawga Yurub ka leeyihiin Wadamada Aduunka. Dawlada jarmalka ayaa ka mid ah xiligan Wadamada Qaarada yurub ugu saamaynta badan haday noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo istaraatiijiyada xidhiidhka caalamka waxaany talaabadani noqonaysaa mid dhabada u xaadha in soo noolaynta awoodii uu dalkani ku lahaa caalamka ee la bur-buriyey badhtamihii Qarnigii tagay. Halkan ka Daawo Warbixintan oo dhamystiran.

Comments

comments