Kenya: Xukuumadda oo Weerarkii Ciidamadooda ee Ceel-cadde ku eedeysay Beelaha Soomaalida midkood

100

Baadhitaano Xukuumada Kenya samaysay ayaa lagu shaaciyey in beel ka mid ah beelaha Koonfurta Soomaaliya kaalin ku lahayd weerarkii maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen xero ciidamadoodu ku lahaayeen magaalada Ceel-cade.

Sida lagu daabacay wargeyska The Standard oo dalka Kenya ka soo baxa, ayaa lagu sheegay  hordhaca baadhitaan ciidamada Kenya ku sameeyeen sababahii dhaliyey weerarka xero ciidamadoodu ku lahaayeen magaalada Ceel-cade in Beesha Mareexaan ee deegaankaasi kaalin ku lahaayeen fududeynta weerarka, isla markaana gacan siinayeen maleeshiyaadka Shabaab.

“Beesha Mareexaan waxay u arkaan ciidanka Kenya inay yihiin kuwo taageeraya beesha Ogaadeen ama qabiilo kale oo uu loolan kala dhexeeyo, waana mid kamid ah waxyaabaha keenay inay ciidanka

khiyaamaan,” ayu yidhi mid ka mid ah masuuliyiinta dowlada Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacin oo wargeyska The Standard lahadlay.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan gudiga baadhitaanka samaynaya ayaa sheegay in gudiga xubno ka tirsan ay tageen xerada ciidamada lagu laayay ee Ceel-cadde  ayna dhawaan warbixin dhameystiran u gudbin doonaan taliyaha ciidamada xooga dalka Kenya.

Inkastoo Wargeyska The Standard aanu faahfaahin dhab ah ka bixin sababaha keenay in dowlada Kenya beesha Mareexaan ku eedeyso dagaaladii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, ayaa dhinaca kale loo aanaynayaa inay ku timi ka dib markii la ogaaday in saddex askari oo ka soo cararay weeraradii Shabaab ee xeradooda, soona magan-galay aqalka odeyaasha Mareexaan lahaayeen, kaga daba timi Shabaab, kuna dileen, ka dib markii lagu wargeliyey.

Weerarka xerada ciidamada Kenya ee Ceel-cade ayaa noqonaysa tii saddexaad ee muddo billo ah maleeshiyaadka Shabaab qabsadaan, inkastoo la sheegaya in kooxdii ka dambaysay weerarka xeradaa ahaayeen garabka Shabaab ee la midoobay ururka ISIS.

 

Comments

comments