Somaliland: SONSAF Oo War-Bixin Ka Soo Saartay Hanaanka Qabsoomida Diwaagalinta Codbixiyeyaasha Gobolka Togdheer

107

Guddoomiyaha Dallada Jileyaasha Aan Dawliga Ahayn Mustafe Sacad Dhimbiil Ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray kaga xogwaramay sida ay u socoto hawsha diwaangalinta codbixiyeyaasha ee gobolka togdheer, isla markaana tallooyin u gudbisay guddiga doorashooyinka qaranka, wasaaradda arrimaha gudaha iyo xisbiyada qaranka.

War-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

War-saxaafadeed: Diiwaan-Galinta Cod-bixiyayaasha:

Dallada Jileyaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF iyadoo kaashanaysa Madasha Ururada Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka (SCISEF) isla markaana taageeraysa sidii loo qaban lahaa diiwaangalin codbixiye oo hufan una gogol xaadha sidii dalka ay ugu dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi waxay goobjoogeyaal maxaliya u dirtay in ka badan 90 goobood oo ka mid ah 163ka goobood ee gobolka Togdheer diiwaan-galintu sida rasmiga ah uga bilaabantay January 16-kii 2016. Waxay goobjoogayaasha maxaliga ahi xaqiijiyeen in qalabka Komishanku dhigay goobaha diiwaan gelintu yahay qalab awoodiisu aad u sarayso, kana hortegi kara cidkasta oo isku deyda in ay laba-jeer is-diiwaan geliyaan si aan sharciga waafaqsanayn. Haddaba marka loo eego 2008-2009 diiwaan gelintu qaabkay u dhacday, Goobjoogayaashu waxay xaqiijiyeen in la sameeyey horumar weyn sanadkan 2016, kaas oo wax weyn ka taray habsami u socodka diiwaan-gelinta codbixiyayaasha. Goobjoogeyaasha maxaliga ahi war-baxintii hordhaca ahayd ee ay ka soo gudbiyeen gobolka Togdheer waxay ahayd runtii mid yididiilo ku abuurtay bulshada wallow ay cilado farsamo oo xaga isku xidhka qalabku ay dhaceen maalintii koowaad kuwaas oo markiiba la xaliyay. Habka diiwaan-galintu 7-dii Cisho ee ugu horreeyay wuxuu u socday si nabad-gelyo ah, waxa mudan in la tilmaamo in dhalinyaradii maamulayey goobaha Diiwaan-galintu ay muujiyeen dedaal dhaaraad ah, kartina u yeesheen xalinta wax kasta oo ka hor yimaada oo aan ku koobnayn waxii farsamo ah oo kaliya.

Sidaa awgeed SONSAF waxay usoo jeedinaysaa:-

  • Komishanka Doorashooyinka Qaranku inuu waayo aragnimadii laga bartay gobolka Togdheer lagu dabaqo gobollada hadhay iyo in la shaaciyo dadka isku dayay inay mar labaad is-diiwaangaliyaan ee la qabtay si looga hortago in dad kale isku dayaan.
  • Xisbiyada Qaranku in ay si mug leh uga qaybqaataan hawsha diiwaan-galinta codbixinta isla markaana xoojiyaan goobjoogeyaasha u jooga goobaha diiwaan gelinta.
  • Wasaarada Arrimaha Gudahu inay xoojiyaan wakiilada ka jooga goobaha diiwaan-galinta, qayb laxaadlena ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa dadka is diiwaan-galinaya inay muwaadiniin yihiin, isla markaana u soo diraan goobaha dad waawayn sida cuqaasha, guddida xaafadaha iyo guddoomiyeyaasha tuulooyinka.

Ugu dambayn SONSAF iyadoo metalaysa Ururada iyo Jilayaasha aan Dawliga ahayn waxay u mahadnaqaysaa sidii wanaagsanayd ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ula shaqeeyeen goobjoogeyaasha maxaliga ah isla markaana aqoonsiga buuxa u siiyeen si ay hawshooda ugu gutaan si madaxbannaan. Sidoo kale waxaan mahadnaq u soo jeedinaynaa Xisbiyada qaranka, Xukuumadda iyo bulshada caalamka oo gacan ka gaysatay diiwan gelinta codbixiyaasha, doorashooyinka iyo taageerida sidii goobjoogeyaasha maxaliga ahi ay u gudan lahaayeen hawshooda.

 

Comments

comments