Somaliland: Garabkii Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye oo Cududoodii Ku Biirinaya Xisbiga Mucaaridka ee Waddani

99

Masuuliyiintii ku bahoobay Isbahaysiga Dimuqraadiyad doonka Kulmiye ayaa la filayaa in ay ku biiran Xisbiga Waddani maalmaha soo socda, warar xogogaal ah oo Wargeyska Wargane helayo ayaa sheegaya in Masuuliyiintaasi  Isbahaysiga Kulmiye ee u badnaa Wasiiradii iska casilay Xukumada Siilaanyo iyo xubnihii kale ee ka biyo diiday Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye  ay heshiis kama danbeyn ah la saxeexanayaan Xisbiga Waddani Maalmaha soo socda.

waxanay wararka aanu helayno intaasi ku darayaan in labbada dhinac ay isla afgarteen qodob baddan oo heshiiskooda ku xusan,  isla markana hawlahoodu  gabo gabo ay ahayeen maalmihii u danbeyeyba  basle la sugayey Maxamed Bixi Yoonis oo dibada ku maqnaa  iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Cirro oo dalka dibadiisa isna ku maqnaa, kuwaasi oo midna shallay yimid ka kalena maanta  la filayo in uu yimaado.Soo dhaweyntii Doraad ee Maxamed Biixi Yoonis ayaanay.

Comments

comments