Somaliland: “Haddaanu nahay Dawladda Xilka na saaran weeyaan in aanu dhiirigelino Dalka isku xidhkiisa.

116

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xidhi doonta  Hargeiysa, Oodweyne iyo Burco oo dhawaan dhismaheeda la bilaabay

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa munaasibadaasi dhagax dhiga waxa uu ka sheegay in waajib saaran ka xukuumad ahaan ay gudanayaan, waxaanu ballan qaaday inay gacan wayn ka gaysan doonaan, “Annagu haddii aanu nahay Dawladda waajib iyo xil na saaran weeyaan in aanu mar walba dhiirigelino dalka isku xidhkiisa, isu talawgiisa iyo isu socodkiisaba. Waddooyinkaa aynu dhisayno waa Waddooyinka ugu mudan dalka, waa Waddooyinka qiimaha iyo qaayaba ugu fadhiya Dalka, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay waxaanan balan qaadaynaa in aanu gacan weyna ka geysan doonaa oo aanu waajibka iyo xilka nagalla gudboon aanu si wacan uga soo baxno” ayuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland.

Comments

comments