Somaliland: Ahmed Darajo oo loo Magacaabay Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeisa

167

Xoghayihii Dawlada Fulinta ee dawlada Hoose ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi ayaa xilkii laga qaadey kadib 6Bilood oo xilkaasi hayay.

Waraaqda xilka qaadista xoghayaha dawlada Hoose ayaa maanta kasoo baxday xafiiska wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade.

Xildhibaanada golaha deegaanka Caasimada ayaa shaly taageero wax-qabadkiisa ah la garab istaagay Xoghayaha la badalay iyagoo wasiirka arimaha gudaha iyo madaxwaynaha ugu baaqay in aan xilka laga qaadin xoghayaha dawlada Hoose.

Wasiirka arimaha gudaha ayaan xil ka qaadis xoghayaha ku sheegin sababta xilka looga qaadey Ibraahim Axmed Raabi.

IBRAAHIM-AXMED-RAABI

Comments

comments