Somaliland: “Wax Isbahaysi La Yidhaahdo Oo Aanu Aqoonsannahay Maba Jirto, Diiwaangalintii Iyo Kaadhkii Muwaadinkuna Way Fashilmeen”

216

Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaaladda xisbiga kulmiye iyo khilaafkii muddooyinkii ugu dambeeyay hadheeyay xisbiggaa ee sababay in aanay ka qaybgalin shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee lagu soo dooranayay murshaxa madaxweynenimo iyo ku-xigeen ee xisbigaa.

Gudoomiyaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Wax isbahaysi la yidhaahdo oo aanu anigu aqoonsannahay oo urur siyaas ahi ma jiro, distuuriynaa waa xaaran in la sheegto. Dalka saddex xisbi baa ka jira, oo siyaasad marka laga hadlayo saddexda xisbi baa dalka ka jira, cid kale oo soo raacda oo dalka ka jirta ma jirto aan ahayn saddexda xisbi ee Ucid, Waddani iyo Kulmiye. Saddexduna sidaa qoroxdu u caddahay ayay u cad yihiin oo loo arkaa.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel

Sidoo kale, Jaamac Shabeel ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha guduhu ku fashilantay diiwaangelintii kaadhka qaadashadda Muwaadinka“Diiwaangelintu waxa weeye qofku beri cida uu doono ha u codeeyo murshaxiinta soo socdaa. Murshaxiintu Madaxweynaha oo kaliya maaha, murshaxiintii Barlaamaanka imanayaa oo la dooranaya, qofku waa u xor cidda uu u codaynayo. Laakiin anaga xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan iyo komishan ahaanbaa iyo dadka inta wax garanaysa ee ilaahay garaadka siiyay waxa ku waajib ah in la wacyigeliyo dadku siday isku diiwaangelin lahayeen oo qof waliba kaadhkiisa u qaadan lahaa, hawsha meesha taala waataa, waxa kale ee soo hadhay waxa weeye waa farsamo. Gobolka maroodi-jeex oo afar degmo ka kooban laba berbera la raaciyay, sababtu waa maxay?. Anigu shaqsibaan ahayoo iyadoon bilaaban yaan ku qanacsanayn qaabka loo wadday oo ay ii muuqatay inay fashilmayso bahashaasi, siday u muuqatay kaadhan dhalashadu markii la bilaabay oo qorshihii loo dhigay fashilmayo ayay diiwaangelintuna ilaa muuqatay inay fashilmayso.

Comments

comments