Miyuu Eden Hazard Go’aansaday Ka Tagitaanka Kooxda Chelsea Xagaaga ? Aabaha Dhalay Eden Oo Meesha Ka Saaray Xanta Suuqa Ee Saxaafadu Qoreyso

134

Aabaha dhalay xidiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard oo lagu magacaabo Hazard Sr ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah oo ay shalay saxaafada ingiriiska ka qortay  mustaqbalka garabka duula ee kooxda Blues ee Eden Hazard.

Shalay ayeey aheyd markii ay Daily Mail qortay in Hazard uu go’aan ku gaaray ka tagitaanka kooxda Chelsea kana fakarayo kooxdii uu ku biiri lahaa Real Madrid iyo PSG midkood, laakin Hazard Sr ayaa yiri “Wuxuu gabi ahaanba ka fakarayaa kooxda Chelsea, wuxuu ogyahay in ku guuleysiga horyaalka aay aad ugu adag tahay laakin ay suurogal u tahay ku dhameysiga sadexda sare”.

“Waxaa helay dhaawacyo iyo qaab ciyaareed aan fiicneyn, waxaa qaab ciyaareed xumada keenay ayaa ah maadaama uu joogo meel uu u baahan yahay inuu boqolkiiba 100 diirada u saaro kooxda iyo qaab ciyaareedkiisa, waxaan hubaa inuu dhaawaca meel iska soo saari doono, waxaan rajeynayaa mardhow inuu taam buuxo iyo qaab ciyaareed fiicanw ada helo”.

Hazard ayaa ilaa haatan kooxdiisa wax gool ah iyo wax caawinaad ah ugu kaalmeyn inkastoo 19 kulan oo horyaalka ah xili horeba la ciyaaray sidoo kalena qirtay inuu inuu ku jiro qaab ciyaareedkiisi ugu xumaa ee abid,

Comments

comments