Somaliland: Kenya oo ku guulaysatay Abaalmarinta Dalxiiska Dunida ee 2015

195

Dalka Kenya ayaa ku guulaysatay abaal marinta Dalxiiska Dunida ee Sanadka 2015 (World Travel Awards).

Dalka Kenya ayaa sanadkii 2015 ay noqotay goobtii ugu haboonayd dalxiiska Dunida iyo socdaal loo socdaalo, iyada oo kooxda socdaalka ku mara wadamada Dunidu ay sanadkii 2015-ka ugu aqoonsadeen Kenya inay tahay wadanka ku guulaystay abaal marinta loo yaqaano World Travel Award (WTA), oo ay noqonayso markii 22-aad ee la bixiyo abaal marintan, isla markaana Dalka Kenya uu noqonayo markii labaad ee uu ku guulaysto abaal marintan, iyada oo uu hore ugu guulaystay sanadkii 2013-kii.

Abaal marintan uu dalka Kenya helay ayaa waxa uu tartan kula galay wadamada Botswana, Namibia South Africa, Botswana, Tanzania, Uganda, Zambia and Zimbabwe, waxaana laga eegayey qiimaha  goobaha Dalxiiska, Diyaaradaha, Huteelada iyo Cusbitaalada.

Dalka Kenya ayaa dhaqaale badan ka soo galaa dalxiiska, iyada oo sanadadii u dambeeyey hoos u dhac ku yimid xaalado ammaan darro awadeed, waxaana lagu qiyaasaa inay si toos ah uga shaqeeyaan dalxiiska dad ku dhaw 226,500 (Laba boqol iyo lix iyo labaatan kun shan boqol oo qof), taasi oo ka dhigan 4.1% isugaynta shaqaalaha guud ee wadankaasi, sida uu tibaaxay la taliye Shirkada Socdaalada iyo Dalxiiska Aduunka qaabilsan.

Comments

comments