Go´aan: Eden Hazard Oo Go´aansaday Inuu Isaga Tago Blues Xagaagan, Real Madrid, PSG Iyo Bayern Munich Oo Hogaaminaya Loolanka Loogu Jiro Helitaanka Hazard

170

Eden Hazard ayaa maankiisa ka saaray sii joogitaanka kooxdiisa Chelsea laakiin kama tagi doono kooxda bishaan January, sidaasi waxaa saakay qoraya jariirada afka dheer ee Daily Mail.

Paris Saint-Germain ayaa ah kooxda sida weyn ugu dhaw saxiixa Hazard xagaagan laakinn kooxda ree Spain ee Real Madrid iyo dhigooda Germany ee Bayern Munich ayaan sahal uga hari doonin saxiixa xidigaan heerka caalami ee xulka Belgium.

Kooxda dhaqaalaha ka qaniga ah ee ree France ayaa ku kalsoon in Eden uu ku soo jeedo dhankooda waxayna filayaan iney garan ka helaan amclainka xulka Belgium ee Marc Wilmots oo taageera PSG laakin Chelsea ayaan iyana marna diyaar u aheyn inuu lacago raqiis ah kaga tago kooxda waxayna ku dalban doonaan lacag ay ka yyareyn  £100 milyan inkastoo PSG ay u aragto in xidigaan lagu heli karon lacag dhan  £45 milyan oo pound maadaama xidiga iyo kooxda ay isku xun yihiin

Chelsea ayaa maanka ku heysa iney PSG ka siisay David Luiz lacag dhan £50 milyan oo pound sanadii  2014 waxayna kooxda premier league ka ciyaarta qabtaa in xidiga sanadka ee horyaalka England oo u goyn karo lacagtaas labo u jibaarkeed.

Hazard

Hazard ayaa la fahansan yahay inuusan la dhacsaneyn kooxda inkastoo dhawaan uu saxiixay qandraas cusub oo £200,000 oo pound laakin qandaraaskaas ayaan u muuqan mid celin doona xidigaan.

Hazard ayaa doonaya inuu sanadka danbe ka ciyaaro tartanka ugu weyn qaarada yurub ee Champions league umana muuqato kooxdiisa Chelsea koox ka soo qeyb galeysa tratankaas kadib qaab ciyaareedkooda liitay ee bilowgii xili ciyaareedkaan inkastoo dunidaan waalan ee kubada cagta ay wax waliba suuro gal ka yihiin taas ayaana keeneysa in +6

Real Madrid uu hogaamiyo halyeeyga uu Hazard ku daydo ee Zinedine Zidane iney ku biirto eryashada saxiixa xidigaan.

Comments

comments