Somalia: Doon kaluumaysi oo u afduubnayd Burcad badeed Soomaali ah oo baxsatay

Dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan isla markaana u afduubnayd kooxo Burcad badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramaya in ay baxsatay.

Doonida oo lagu magacaabo Jaber ayaa gacanta ugu jirtay Burcad badeeda mudo shan bilood, waxaana lagu haystay xeebaha Ceel-huur ee Koonfurta gobolka Mudug.

Macadda ilaa iyo hadda qaabka ay doontan ku baxsatay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in shaqaalaha doonta oo 19-qof ah ay ku guuleysteen in ay maquuniyaan awooda Burcadbadeedii ilaalinaysay doonta oo afar qof ah.

Maraakiibta dagaalka Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa u gurmaday doontan oo ay siiyeen biyo iyo cuno.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa isla aagas weli ku haysta doon kale oo kaluumaysi oo isku mar lala afduubtay tan hadda baxsatay, waxaana lagu magacaaba Siraaj.

Doomahan ayaa lagu eedeeyay in ay kaluumaysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha Soomaaliya markii ay afduubanayeen Burcad badeeda oo aan la xaqiijin karin in ay dalbadeen lacago madaxfurasho iyo in kale.

screenshot-horseedmedia.net 2015-08-26 11-03-08

Comments

comments