Somalia: 10 Askari oo ku Dhintay Qarax ismiidaamin oo lala beegsaday ciidamo Tababar u socday Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in Weerar is miidamin ah lagu qaaday xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo tababar uga socday, Khasaaraha Dhimashada ayaa wararku sheegayaan in ay gaarayaan 20 askari dhaawacuna uu ka badan yahay.

Qaraxa waxaa fuliyey naftii hure walxaha qaraxa ka soo buxuubiyey Gaari kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca badan, Waxaa la sheegay in qaraxa laga maqay Dhawaqiisa guud ahaa magaalada Kismaayo.

Lama oga sida ay ugu fududaatay in qof isku qarxiyo xerada tababarka oo si aad ah loo ilaalinayey, iyadoo ay sheegayaan wararka laga helayo Kismaayo in shaqsiga is qarxiyey uu ahaa sarkaal ciidan oo xerada laga yaqaanay

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa si KMG ah udeganaa ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo dhawaan tababar uu ufuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud waana xaruntii Jaamacada Kismaayo horay u degenayd.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxan ismiidaaminta ah  .

voasomal

Comments

comments