Somaliland: Wasiirka Cukuse Oo Baaq u Diray Shacbiga Reer Buuhoodle, Digniin-na u Jeediyay Dawladda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa uga digay dawladda taagta daran ee Soomaaliya inay soo farro-geliso deegaamo ka mid ah dhulka Somaliland.

Wasiir Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxa uu soo dhaweeyay sidii diiranayd ee magaaladda Buuhoodle loogu soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), oo halkaasi u tegay hawlo shaqo.

Waxaanu ku eedeeyay dawladda Muqdisho inay colaad ka hurinayaan magaaladda Buuhoodle. waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo u diraynaa shacabka iyo waxgaradka reer Buuhoodle ee sida wacan u soo dhaweeyay Wasiirka caafimaadka, oo halkaa u tagay hawlo nabadgalyo iyo mid shaqo. Waxaan doonayaa in mawqifka Somaliland caddayno ee nabadgalyada deegaankaas dhismaha shacabkaas gobolka Buuhoodle waxa uu ka mid yahay Jamhuriyadda Somaliland guud ahaana waxa aynu wada jirkeena iyo umaddnimadeena iyo dawladnimadeena u dhisanahay in horumarka ka samayno deegaamada dalkeenna.”

Waxaanu intaasi ku daray “Deegaankaasi waxa uu marayaa meel wanaagsan oo dadku u soo jeestay oo fahmay dhibaato ay leedahay nabadgalyo daradu waxa aanu ka xun nahay shacbigaasi marka wax u kordhaanba ka xun ee duulimaadka ku soo qaadaya ee dayuuradaha ku soo daabulaya saanada milateri, ee maalinta ay ugu ekaato Buuhoodle meel nabada.

Dawladda Soomaaliya xukuumadeeda iyo maamulka Muqdisho waxa aan uga digaynaa in wax kastoo xumaana xagayaga reeban tahay oo gudihiina ayaa u baahan in nabadiina ka shaqaysaan in aad faraha kala baxdaan Somaliland iyo dadkeeda iyo deegaanka Buuhoodle ee maanta nabada heshay” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Comments

comments