Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Jabuuti

232

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Jabuuti dhawaan u soo magacawday Somaliland danjire Cumar Xuseen.

Kulankan ayaa madaxweynaha waxa ku wehalinayay Madaxweyne ku xigeenka Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Somaliland oo halkaasi hadal soo dhawayna ka jeediyay ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti yihiin laba dal oo walaalo ah isla markaana uu ku dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan lihi

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu xusay in safiirka cusub ee Jabuuti u soo magacawday Somaliland, ka xukuumad ahaan gacan ku siin doonaan wixii hawl-gudasho ah ee uu uga baahdo.

Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiyi doona Somaliland Cumar Xuseen ayaa dhinaciisa madaxweynaha uga mahad celiyay sida qiimaha leh oo uu u soo dhaweeyay isla markaana ugu qaabilay qasriga madaxtooyada taas oo muujinaysa xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya labada dal isagoo intaasi ku daray inuu sii horumarin doono cilaaqaadka iyo wada qabsiga labada dawladood.

Comments

comments