Somalia: AMISOM oo sheegtay inay xabsiga dhigeen askertii dadka rayidka ku laayey magaalada Marka

Iyadoo maalintii shalay magaalada Marka ciidamada AMISOM ku laayey dad shacab ahaa ayaa waxaa magaaladaasi gaaray saraakiil ka tirsan AMISOM oo la sheegay in ay kulamo la qaateen waxgaradka magalaada Marka.

AMISOM ayaa u sheegay odayaasha ay la kulmeen in aysan raali ka ahayn in dad rayid ah la xasuuqo, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay deegaanka Ceel-Jaale ee hoostaga magaalada Marka.

Waxa ay u sheegeen AMISOM waxgaradka ay la kulmeen in ay xabsiga dhigeen labo askeri oo ka mid ahaa kuwii laayey dadka shacabka.

Maalintii shalay ayey ahayd markii magaalada marka AMSIOM ku dileen 6 qof oo shacab ahaa, kuwaasi oo ka soo jeeday hal qoys

Comments

comments