Somaliland: Saylici Oo Hargaysa Hadhimo Sharafeed Ugu Sameeyay Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta casuumad qado sharaf ah Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ugu sameeyay madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole), oo socdaal shaqsi ah mudooyinkanba ku ku jooga Hargaysa.

Munaasibadan qado sharafta ah waxaa ka soo qaybgalay, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaasi hadal ka jeediyay waxa uu yidhi “Madaxweynihii hore Puntland Md. Cabdiraxmaan Faroole oo beryahanba ku sugnaa caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ku yimid safar shakhsi, waxa inoo sharaf ah in aynu maanta (shalay) halkan ku martiqaadno isagoo ah Oday Soomaaliyeed oo inala jooga. sharaf baanay noo tahay isagoo Madaxweynaha hore ugu tegay oo ay is arkeen. In aanu maantana (shalay) martiqaadno.”

Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, oo isna halkaasi ka hadla ka jeeidyay ayaa Xukuumadda Somaliland iyo shacbigaba uga mahadnaqay sida loogu soo dhaweeyay Hargaysa.

Waxaanu yidhi “Madaxweyne imaatinkayga halkan waad ka warhaysaan, xidhiidh aan la soo sameeyay oo aan u imanayay si gaar ah, oo khusaysay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xaaskaygii, qoyaskaygii oo u qaybsama Australia oo aan anigu joogay, Garoowe iyo Hargeysa ayaan ku soo gaadhay, tacsidaas dadka iigu yimid ma tirin karro.
Waxaan hore u aqaanay oo asxaab ahayd, waxaanu qaraabo nahay iyo in dadweynaha iyo Xukuumaddaba ka mid ah aad iyo aad baan uga mahadcelinayaa sida la iigu qadariyay intaan halkan joogay. Idinkana waan idiin hambalyaynayaa, waanan idiin mahad naqayaa dhamaantiin haddii aad tihiin Xukuumadd iyo shacbiba sida fiican ee aad ii soo dhawayseen, ee xurmada leh oo aad igala qaybqaadateen tacsidaas aad iyo aad baan idiinka mahadcelinayaa”.

Sidoo kalena. waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, “Waxa qado sharaftan inoo sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici isaga oo adiga (Faroole) kugu maamuusaya, joogitaankaaga iyo imaatinkaaga aad halkan joogtay inay gurigaagii tahay” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Comments

comments