Somalia: Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo iclaamiyey in aan doorasho la qaban karin 2016

131

Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu soo saarey go’aan la xiriira doorashada la filaayo sanadka soo socda ee 2016.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta golaha shacabka, waxaana gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno kamid ah golaha Wasiirada.

Waxaa la sheegay in ay xaadir ahaayeen 158 mudane, waxaana diirada lagu saarey surtagalnimada in la qabto bisha August ee sanadka 2016 doorasho xor ah ama One man one vote oo ay dadku codeeyaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo khudbad ka jeediyey Baarlamaanka ayaa ku baaqey in la qabto shirweyne wadatashi ah oo ay qeyb ka yihin maamulada ka jira dalka oo looga hadlayo sidii loo qaban lahaa doorashooyin.

Gaba-gabada kulanka ayaa Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanku si wadjair ah u shaaciyeen in aaney surtagal ahayn in la qabto doorasho xor ah duruufo jira aawadood. Waxaana ay soo saareen saddex qodob oo ahaa;

  • Labada gole ee dowladda waxay isla garteen oo ay isku raaceen in sanadka 2016 dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
  • In la qabto shirweyne heer qaran ah oo ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka, kaasoo looga tashanayo tallaabada ay dowladda qaadeyso si dalka doorasho uga dhacdo 2016 Agosto marka la gaaro, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah
  • In qaban qaabada howsha hiigsiga 2016 iyo tallaabada dowladda qaadeyso lagu soo gaba gabeeyo dhamaadka sanadkan 2015, si 2016 shaqada u bilaabato.

Dowladda Federaalka ayaa marar badan ku celcelisay in ay ka shaqeynayso sidii dalka oo dhan uga dhici lahaayeen doorashooyin ay dadku codkoodu dhiibtaan.

Beesha Caalamka ayaa iyaduna in badan u ololeynaysay in la qabto doorashado xor ah, balse rajadaas ayaa hadda u muuqata mid soo dhamaatey.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli berrito magaalada Muqdisho lagu wado in uu ka furmo shir ku saabsan hiigsiga 2016 oo ay kasoo qaybgalayaan masuuliyinta dowladda Federaalka iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, balse waxaa qaadacay maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ay ku eedeyeen Dowladda Federaalka in ay jebisay dastuurka isla markaana aaney hirgelin heshiisyo ay wada galeen.

Comments

comments