Ethiopia: Obama oo khudbad ka jeedinaya xarunta Midowga Afrika

126

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo shalay gelinkii danbe gaaray caasimada Itoobiya ee Addis Abab ayaa maanta khudbad kasoo jeedinaya xarunta Midowga Afrika.

Obama ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo xarunta Midowga Afrika, isagoo noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo soo booqda xarunta Midowga Afrika.

Hogaamiyaha Maraykanka ayaa kala hadli doona madaxda Afrika Arrimaha Amaanka iyo horumarinta Qaarada.

Madaxweyne Obama ayaa shalay soo afmeeray safar maalmo ah oo ku joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu uga qeyb galay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo horumarinta ganacsiga Adduunka.

Kulanka maanta ka dhacaya Addis Ababa ayaa lagu wadaa inay sidoo kale kasoo qeyb galaan dhowr Madaxweyne oo ay ku jiraan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musafeni.

Qodobada laga hadlayo ayaa waxaa kamid ah xaalada dalka Sudaanta Koonfureed iyo waliba dalka Soomaaliya.

Comments

comments

SHARE