Somaliland: Ma dhabaa in uu Madaxweyne Silaanyo Qorsheeyay Inuu Ka Tanaasulo Hankiisa Musharaxnimo?

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, oo bishii October, 2014 si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ee shanta sanno ee soo socda ayaa la sheegay inuu qorsheeyay sidii uga tanaasuli lahaa mawqifkiisa islamarkaana u shaacin lahaa inaanu sharaxnayn.

Xogo uu helay Wargeyska Geeska Africa ayaa sheegay in dhawaan Madaxweyne Silaanyo caddayn doono inaanu ahayn musharaxa xisbiga Kulmiye. Waxa uu wargeysku sheegay in madaxweyne Silaanyo mawqifkiisa la sugayo xal u helista muranka ka taagan wakhtiga doorashada ee mucaaradka iyo xukumadda u dhexeeya.

Musharaxnimadda Kulmiye

Todobaadadii u dambeeyay ayaa la dareemayay loolan u dhexeeya Siyaasiyiinta Kulmiye gaar ahaan Muuse Biixi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale oo leh hanka madaxweynenimo ee Kulmiye, kuwaasi oo kulamo dardar galin ah la leh degaannada ay ka soo jeedaan. Waxaa la filayaa in xummadda loolanka Kulmiye kor u sii kacdo marka madaxweynuhu hankiisa shaaciyo.

Comments

comments

SHARE