Somaliland: Shirka Isbahaysiga Mucaaradka Oo Saaka La Filayo Inuu Furmo Iyo gudoomiye Faysal Oo Dalka Ku Soo Laabtay

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa subaxnimadii hore ee saaka dalka ku soo laabtay. Waxa uu ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dibadda isagoo ka soo kicitimay magaalada Dubai.

Madaxda Isbahaysiga Mucaaradka ayaa subaxnimadii hore Madaarka Cigaal International ku soo dhaweeyay Eng Faysal Cali Waraabe, maadaama oo ay jirto xiisad siyaasadeed oo haatan mucaaradku isku duuban yahay.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in maanta uu ka furmo Magaalada Hargeysa shirka isbahaysiga Mucaaradka Somaliland kadib markii khamiistii Maxakamadda sare u fasaxday shirkooda ooh ore xukumaddu u carqaladaysay.

Jamaal Cali Xuseen oo shalay wax laga waydiiyay arrimaha laga fili karo shirkaasi ayaa sheegay inuu ku saabsan yahay arrimaha Mucaaradka iyo sidii bulshada loogu bandhigi lahaa god-daloolooyinka xukumadda Siilaanyo, sidoo kalena loogu iclaamin lahaa mawqifka mucaaradka ee doorashada iyo xukumadda wakhtigu ka dhammaanayo.

Comments

comments