US: Golaha Amaanka oo Qaraar kasoo saaray heshiiskii IRAN

128

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay Isniintii shalay yeesheen si wadajir ah ku ansixiyey heshiiska Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iran.

Qaraarka cusub ee kasoo baxay golaha amaanka ayaa ah mid lagu sharciyeenayo in la qaado cunaqabateyntii horey u saarneyd dalka Iran, qodobkaasi oo kamid ahaa heshiiskii ay wada gaareen wadanka Iran iyo dalalka kamid ah golaha Amaanka iyo Midowga Yurub.

Hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay IAEA ayaa loo xilsaaray inay kormeerto xarumaha Nukliyeerka ee Iran, si loo hubiyo in dalka Iran uu kasoo bixi doono balanqaadkiisa ah inuu hoos u dhigi doono kobcinta Nukliyeerka.

Comments

comments

SHARE