USA: Nin qorsheenayey inuu weeraro Tuulo Muslimiinta degaan

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay nin doonayey inuu weerar argagaxiso la beegsado tuulo ay degaan Muslimiinta oo ku taal gobalka New York.

Robert Doggart, oo ah 63 sano jir ayaa doonayey inuu burburiyo Masaajid, Iskool iyo Makhaayad ku yaal tuulada lagu magacaabo Islamberg oo ku taal meel 200km u jirta magaalada New York.

Tuulada Islamberg ayey degen yihiin muslimiin kaliya waxaana aasaasay muslimiinta madowga Maraykanka kuwaasi oo sanado hore ka guuray magaalada weyn ee New York.

islamberg-2

Eedaysanaha ayaa horey mar isu sharaxay inuu kamid noqdo Baarlamaanka Maraykanka, waxaana la sheegay inuu bartiisa Facebook uu ku shaaciyey qoraal uu ku abaabulayo dad gacan kasiiya weerarka uu doonayey inuu ku qaado tuulada ay muslimiinta degaan.

Hadii lagu helo danbiga lagu soo oogay ninkan waxaa lagu xukumi karaan muddo 10 sano oo xariga ah.

Comments

comments

SHARE