USA: Golaha Senatka South Carolina oo u codeeyey dajinta Calanka la necebyahay!

127
COLUMBIA, SC - JUNE 18: The South Carolina and American flags fly at half mast as the Confederate flag unfurls below at the Confederate Monument June 18, 2015 in Columbia, South Carolina. Legislators gathered Thursday morning to honor their co-worker Clementa Pinckney and the eight others killed yesterday at Emanuel AME Church in Charleston, South Carolina. (Photo by Sean Rayford/Getty Images)

Golaha Odayaasha ee gobalka South Carolina ayaa Isniintii u codeeyey in laga dajiyo xarumaha dowlada ee gobalkaasi Calanka loo yaqaan Confederate Flag oo astaan u ah cunsuriyiinta Maraykanka.

Calankan oo weli ka dul-babanaya Xarunta baarlamaanka ee South Carolina ayaa waxaa horey loogu baaqay in halkaasi laga dajiyo kadib weerarkii uu bishii hore nin cunsuri ah ku qaaday kaniisada taariikhiga ah ee dadka madow ee dalkaasi Maraykanka oo ku taal magaalada Charleston ee gobalkaasi South Carolina.

Xildhibaanada Golaha Odayaasha Senate-ka South Carolina oo ka kooban 40 xildhibaan ayaa 37 u codeeyey in calankaasi laga dajiyo xaruntooda, waxaa la sugayaa inay arrintan sidoo kale uu codeeyaan golaha Shacabka.

Gobalka South Carolina ayaa kamid ahaa gobaladii koonfurta Maraykanka ee ka go’ay dalkaasi Maraykanka sanadkii 1860-1861, gobaladaasi oo ka gadooday joojinta Adoonsiga dadka madow oo ay dowladii xiligaasi soo rogtay.

Gobaladii gooni u goosadka doonayey ayaa looga guuleystay dagaalkii sokeeyey ee dhexmaray gobaladaasi koonfureed iyo Federaalka Maraykanka.

Qaar badan oo kamid ah dadka cadaanka ah iyo waliba cunsuriyiinta Maraykanka ee neceb dadka madow ayaa weli calankaasi adeegsada, iyadoo ay dadka madow calankaasi ku tilmaameen mid astaan u ah cunsuriyada iyo adoonsigii dadka madow, halka cadaanka jecel calanka ay ku tilmaamaan mid kamid ah taariikhda ay ku faanaan.

Comments

comments

SHARE