Somalia: Al Shabaab oo weerartay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan, dagaalkaasi oo la sheegay inuu socday muddo saacado ah.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka dhacay bariga magaalada Jalalaqsi halkaasi oo ay kooxaha weerarka soo qaaday kula dagaalameen ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Ugu yaraan 4 qof ayaa la sheegay inay dagaalkaasi ku dhinteen oo ay ku jiraan qaar kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xaalada magaaladaasi ayaa la sheegay inay saaka degentahay. Guddoomiyaha degmada Maxamuud Fiidow ayaa sheegay inay dib uga saareen magaalada kooxihii weerarka soo qaaday.

Kooxda Al Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dar dar geliyey weerarada ay ka geysanayaan gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Comments

comments