Kenya oo qaadeysa xayiraadii Xawaaladaha Soomaalida

180

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Khamiis ah ka codsadey Bangiga Dhexe ee Kenya in uu sameeyo sharciyo la xiriiraha xawilaada lacagta, kadibna la qaado xayiraada saaran lacagaha xawaaladaha ee Soomaaliya.

Bishii Abril 2015 ayaa Xukuumadda Kenya xanibtey dhamaan shirkadaha xawaaldaha ee Soomaalidu leedahay, Kenya ayaa ku eedeysey shirkadahaas in al-Shabaab ay isticmaalaan shirkadahaas, kadib xasduuqii ka dhacay Gaarisa ee al-Shabaab ay ku dileen dad ka badan 150 qof.

dahabshil-usa

Go’aanka Uhuru Kenyatta ayaa lagu soo beegey bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana lagu sheegey in 13 Xawaaladood oo sharci haysa laga qaadayo xanibaada.

– Waxaan u jeedinayaa Bangiga Dhexe ee Kenya in sida ugu dhakhsiyaha badan u sameeyuo xeerar dhamaystiran oo la xiriira Xawaaladaha, kaas oo wadada u xaaraya in la qaado xayiraada xawaaldaha ayuu ku yiri Kenyatta bayaan uu soo saarey.

Lama sheegin taariikh rasmi ah oo la qaadayo xayiraada. Waxaana laga warsugayaa sharciga uu samaynaayo Bangiga Dhexe ee Kenya.

Xayiraada Xawaaldaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa si weyn u saameysey kumaankun oqf oo Soomaali ah oo dhibaato kala kulmey, sidoo kale waxay waxyeelo ka soo gaartey shacabka Kenya, waxaana hoos u dhac weyn ku yimid dhaqaalaha iyo suuqyada gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Hay’adaha gargaarka ayaa si weyn u dhaliiley in Kenya carada kula dhacdo meel aysan jirin, isla markaana ay waxyeeleyneyso dadka masaakiinta ah ee ku noolaa lacagaha loo soo diro.

Comments

comments