Somaliland: Madaxweyne Ku xigeenka Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Suldaan Ku Geeriyooday Hargeysa

185

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shacbiga Somaliland uga tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum-Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa 11/06/2015.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL, ahna ku simaha Af-hayeenka Madaxtooyada JSL Md. Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Bulshada qaybeheeda kala duwan iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa 11/06/2015.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo ubadkii uu ka baxay Alle ha u naxaristee Marxuumku, waxaanu Suldaanka ku sifeeyey oday dhaqameed qiimo ku dhex lahaa bulshada kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlahaa horumarka iyo midnimada shacbigiisa.

waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Comments

comments