Somaliland: Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Oo Brussels Kulan Kula Yeeshay Saraakiisha Midawga Yurub

216

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa magaaladda Brussels kulan kula yeeshay agaasimaha arrimaha Afrika u qaabilsan ee Xarunta Midawga Yurub Koen Versaek.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay sida fiican ee Midawga Yurub ay Somaliland uga taageeraan dhinacyada dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, mashaariicda wax-qabad iyo horumarka.

Sida dhinacyadda biyaha, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), tababarada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, dhismaha wadadda Berbera Corridor iyo barmaamijyada ku jira qorshaha New Deal-ka (Somaliland Arrangement) guud ahaan.
Waxaanu warbixin faahfaahsan ka siiyay Midawga Yurub xaaladda guud ee nabadgelyada dalkan Somaliland, geedi socodka horumar ee wadanka, arrimaha doorashooyinka, kartida iyo garashada wanaagsan ee dadka reer Somaliland u leeyihiin xallinta khilaafaadkasta oo yimaada iyo hannaanka ku dhisan ka wada hadalka arrimaha khuseeya, isu tanaasulka, is-qancinta iyo ka wada shaqaynta danaha caamka ah ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenku waxa uu sheegay in ictiraaf ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka uu noqon lahaa mid wax weyn ka tara horumar buuxa iyo isku filaansho ay dadka reer Somaliland gaadhaan, isla markaana dan iyo maslaxadi ugu jirto deganaanshaha mandaqadda iyo horumarka gobolka guud ahaan.

Kulankaasi waxaa Wasiir-ku-xigeenka ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Belgium Maxamed Cabdi Dacar, halka dhinaca kale agaasimaha Afrika ee Baarlamaanka Yurub ay la socdeen madaxda kala ah Dilarde Teilane oo qaabilsan Geeska iyo Bariga Afrika iyo Pauline Torehall oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Comments

comments