UAE: Nuxurka Qodobadda uu Madaxweyne Silaanyo kala hadalay Amiirka Imaaraatka Carabta

406

Waftiga Somaliland oo Imaaradka Carabta Kala hadlay Dardar gelinta Mashaariicdi horay loo balan qaaday iyo Gudbinta kuwo Cusub oo saamayn muuqata ku yeelanaya Bulshada reer Somaliland

[quote]Kulankan ayaa wax badan ka taraya kor u qaadida Muuqaalka Dimplomaasiyadeed iyo Xidhiidhka Ganacsi ee Somaliland.[/quote]

11402780_897621446977851_4947854304103958313_n

Wasiir Xirsi oo ka tirsanaa weftiga Madaxweynaha Somaliland uu hogaaminayay ayaa yidhi, Waxay ahayd manta kadib markii kulan si sharfan loo soo agaasimay uu ka qabsoomay dalka Imaaradka Carabta, kulankan oo uu Madaweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno Xubno kamida golaha Wasiirada JSL uu nagu qaabilay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka a Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan

Ujeedada kulankan oo ahayd soo dhawaynta waftiga ka socda Jamhuuriyada Somaliland iyo sidoo kale sidii iskaashi dhaqaale iyo maal-gelin u dhex mari lahaa labada dal ee Imaaradka Carabta iyo Jamhuuriyada Somaliland
Waxaa sidoo kale Waftiga ka socday Jamhuuriyada Somaliland kala hadleen madaxda Imaaraadka Carabta dhamaystirka mashaariicdii hore loogu heshiiyey safarkii hore ee Madaxweynaha JSL uu ku soo gaadhay dalka Imaaradka Carabta iyadoo sidoo kale dalab cusub weftigu u gudbiyey,waxaanay kala ahaayeen mashaariicdii horay loo gudbiyey iyo kuwo lagu darayba sidan hoose :-
1) Horumarinta Biyaha
2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida (Dekadaha, Wadooyinka iyo Madaarada)
3) Horumarinta caafimaadka
4) Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)
5) Kor u qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasada ee labad dal
6) Caawimo xaga bin-aadaminimo ee qaxootiga kasoo burqanaya Yemen.

Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudan

Kulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada Dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

Comments

comments