Yusuf Garaad waxa ku waajibay maqaal xaqiiqada ku dhisan

Waxa aan si hufan u akhriyay maqaalka uu Yusuf Garaad ka diyaariyay dhacdadii la buunbuuniyay ee qaxooti la sheegay in Berbera laga celiyay. Si qurux badan oo farshaxnimo ka muuqato ayuu Yusuf u qoray maqaalkaas.

Haddii dhacdadu ay tahay sida uu Yusuf u sheegayo ama ujeeddada madaxda Somaliland tahay in ay qaxootiga ku celinayeen Soomaali nacayb, maqaalku waxa uu noqonayaa arrin gar ah.

Laakiin waxa muuqata in maqaalku yahay mid caadifadaysan, Yusuf waa suxufi ruug caddaa ah, xeerarka saxaafadana waxa assal u ah “dhexdhexaadnimo” iyo aragtida ama cabashada darafka kale in aad soo xigato. Nasiib-daro, maqaalka kama muuqato meel uu Yusuf Garaad kaga hadlay doodda iyo ula-jeeddada madaxda Somaliland.

Horaa loo yidhi ‘nin habari dhashay hal ma seegi wayee” Yusuf Garaad waxa aan u soo jeedin lahaa in uu dhacdadan baadhitaan ku sameeyo, dabadeedna xaqiiqada dib u baahiyo haddii kale maqaalku waxa uu u muuqanayaa mid calool-xumo iyo cadaawad ka dhex abuuraya Soomaalida, sidoo kalena weerar ku ah qadiyadda Somaliland.

Waxa aan qirayaa in dhacdadaasi ay ahayd mid xanuun leh oo aan loo baahnayn, xataa haddii Somaliland la xumeeyay, laakiin aqoonyahanka iyo indheer-garadka uu Yusuf ka mid yahay waxa la gudboon in aanay horseed ka noqon isku-dirka Soomaalida.

Haddii kale qoomiyadda Soomaalida oo ah dad wadaaga diin, xidid iyo xigaaleba waxa ay ku abuuri kartaa cadaawad iyo is-fogeyn, waayo Soomaali meel kasta oo ay joogto ma kala maarmi karto xattaa haddii Somaliland la aqoonsado.

Hoos ka akhri maqaalka Yuusuf Garaad.

http://yusuf-garaad.blogspot.com/2015/05/somaliland-jawaab-ayaa-ku-waajibtay.html?showComment=1433328172504#c5147756723285789431

Comments

comments