“Somaliland Caalamku Dhaqaalle Kuma Siiyo Qaxoontiga, Mana Kafaallo Qaadi Karto” Guddoomiyaha UCID

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay gacan u fidiso dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxaya dalka Yeman ee ka soo degaya dekadaha dalka.

Waxaanu sidoo kale Eng. Faysal u jeediyay ganacstadda iyo dadka maalqabeenadda ah in ay ka qayb qaataan sidii dadkaasi qoxoontiga ah loo qaabili lahaa, loona caawin lahaa.iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay jireen qaxoonti aad u badan oo ka soo cararay dagaaladda Yeman.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan waxay sheegtay in aanay qaabili doonin qoxoontiga u dhashay Soomaaliya ee ka imanaya dalka Yeman, taasi oo ay ku sababaysay arrimo la xidhiidha dhinaca amaanka iyo hay’adaha qaxoontiga ka shaqeeya oo diiday in ay gacan ka geystaan caawinta dadkaasi.
Waxaanay tallaabadaasi keentay in qaxoonti badan oo maalmihii u dambeeyay soo gaadhay dekadda Berbera balse uu saameeyay go’aankiisa, inkasta oo markii dambe loo ogolaaday in laga dejiyo markabkii siday.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da , isagoo ku sugan magaaladda Dubai ee isu-taga Imaaraadka carabta, waxa uu sheegay in aanay dawlad ahaan Somaliland awood u lahayn in ay si buuxda u kafaallo qaado daryeelka qoxoontiga ka imanaya Yeman, hase yeeshee looga baahan yahay intii karaankeedda ah in ay caawiso.

“Somaliland waa dal yar oo aan haysan icritaaf oo aan dhaqaalena la siinin, markaa tamar uma hayso qoxoontigaasi. Taayadii ayaa culays nagu ah. laakiin dadkani waa dad Soomaaliyeed oo qaxoonti ah oo dhibaato ku dhacday.
Waxaanay tahay Somaliland in qaxoontigaasi ay soo dejiso sidii kuwii horeba ay u soo dejisay, adduunkuna gacan ku siiyo, maalqabeenadda Somaliland iyo Soomaliyaba waa in loo gurmado sidii ninkii markabka u diray, waa in dadkaasi loo gurmado sidii dadkaa loo daryeeli lahaa.
Markaa Somaliland dhaqaale uma hayaan laakiin waxa ku waajib ah diiniyan iyo mid ehelnimaba in dadkaa qaxoontiga ah ay soo dhaweeyaan culays kasta ha lahaadee” Ayuu yidhi Gudoomiyaha UCID.

Eng. Faysal, waxa uu sheegay in haddii xukuumadu ay ku adkaysato go’aankaasi in loo baahan yahay in la qorsheeyo meel kale oo ay ka soo degaan qaxoontigan ka soo qul-qulaya Yeman.Waxaanu yidhi “Haddii go’aankaasi xukuumada ka noqon waydo waa in meel kale loo bedalaa sida Jabuuti iyo Boosaaso illayn ma qasbi karayno balse aan tusno wixii xun laakiin anigu waxaan kula talin lahaa in xukuumadu ogolaato in la dajiyo dadkaasi qaxoontiga dhibataysan.”.

Geesta kalena Wasiirka Arrimaha dibadda Dawladda Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in Somaliland ay diido in qaxoontiga Soomaaliya u dhashay ee ka soo degaya Berbera la diido, waxaanu tilmaamay in haddii loo diido Berbera ay ka soo degi doonaan xeebaha Lughayaha iyo Saylac, taasi oo ah hadaaq aan rumoobi Karin, balse Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dib u dejinta Somaliland oo aanu labadaba xalay la xidhiidhnay ayaa sheegay in aanay ka hadlaynin, hase yeeshee ay ka hadli doonaan maanta iyo wixii ka dambeeya marka siday sheegeen xukuumaddu ka shirto arrintan.

Comments

comments