Koonfur Africa oo”lacag ku bixisay” martigelinta koobka aduunka

139

Wargaysyada koofur Afrika ayaa waramaya in saraakiisha Kubadda cagta ee dalka ay xaqiijiyeen inay siiyeen 10 Milyan oo doollar urur kubadeed oo uu hogaaminayey Jack Warner oo ka mid ah dadka udub dhexaadka u ah eedeymaha musuqmaasuqa ee FIFA.

Dacwad oogayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in taasi ay ahayd laaluush lagu taageerayey isku daygii ay Koofur Afrika ku doonaysay martigelinta koobkii adduunka ee 2010.

Laakin guddoomiyaha ururka Kubadda cagta ee Koofur Africa Danny Jordaan, ayaa taasi beeniyey.

Saraakiishan oo magacyadooda aan la sheegin waxay sheegeen in ay ahayd horumarinta isboortiga ee Afrikaanka qurba joogga ah ee ku nool Caribean-ka oo ah halka uu xoogga ku leeyahay Mr Warner.

Saraakiisha FIFA ayaa waxa lagu eedeynayaa laalush qaadasho iyo wax isdaba marin.

Comments

comments

SHARE