US: Maraykanka oo Shiinaha dhaliilay jasiiraddaha lagu muransanyahay

Mareykanka ayaa ku baaqay in ”si deg deg ah loo hakiyo dib u soo celinta sheegashada lahaansho ee biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha.

Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladda Shiinaha in ay si degdeg ah u joojiso jasiiradaha macmalka ah ee ay ka dhiseyso biyaha lagu muransan.

Ashton Carter ayaa ka sheegay kulan dhanka amniga ah oo ka dhacayay Singapore in hab-dhaqanka shiinaha ee aagaasi uu yahay mid ka baxsan hab-dhaqanka caalamiga ah.

Shiinuhu waxa uu sheegtay inta badan biyaha badda koonfurta Shiinaha, taas oo sababtay in ay is maandhaafaan dalal badan oo dariska ah.

Saraakiisha Shiinuhu waxa ay hadalka Maraykanka ku tilmaameen mid aan ”wax loo cuskado lahayn”.

”Xal si nabadgalyo ah lagu gaaro”

Dalalka kale waxa ay Shiinaha ku eedeeyeen in uu si sharcidaro ah ku qaadanayo dhul, uuna abuurayo jasiirado been abuur ah oo uu uga gol leeyahay in uu millitari ahaan u isticmaalo.

Shirka oo dhacay sabtidii kaas oo ay ka qaybgaleen wasiirada difaaca ee wadamada gobolka Pacific ee Aasiya, Carter waxa sheegay in uu doonayo in ”xal nabadeed lagu dhameeyo khilaafka”.

Comments

comments

SHARE