Switzerland: Xiriirka kubadda cagta ee FIFA ayaa furaya shirwaynahoodii sanadlaha ahaa

116

Waxaa jira walaac ay qabaan shirkadaha maalgaliya FIFA iyaga oo sheegaya in laga yaabo in ay dib u eegaan macaamiiltanka ay la leeyihiin, waxa ay sabab uga dhigayaan saraakiisha xiriirka kubadda ee musuqmaasuqa loo xiray.

Shirkadda Visa waxa ay sheegtay in ay dib u eegayso maalgalinta ay ku samayso FIFA hadii aysan isbadal la imaanin.

Shirkadaha Coca-Cola iyo Adidas ayaa iyagana walaac muujiyay.

Xiriirka kubadda cagta ee Yurub ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Uefa ayaa go’aan ka gaaridoonta in ay ka baaqdaan codaynta doorsahada madaxwayn FIFA ee jimcaha dhacaysa.

Todobo ka mid ah saraakiisha sarsare ee FIFA ayaa loo xiray dacwado musuqmaasuq la xiriira.

Dhinaca kale Madaxwaynaha ururka FIFA Sap Blater, ayaa hakiyay shir la rabay in uu saaka qabto.

Shirkaasi waxuu noqon lahaa kii ugu horeeyey ee uu dadka kula hadlo tan iyo intii uu dhacay xarigii madaxda FIFA ee arbacadii.

Madaxweynha Ruushka Vladamir Putin oo hadlayna waxa uu sheegay in aad u taageeraysanyahay Blater.

Putun wuxuu Maraykanka ku eedeeyay in ay iskudayayaan in aan dib loo soo dooranin Sap Blater.

Comments

comments

SHARE