Arimaha aanad ka aqoon Golaha Guurtida Somaliland

178

Guurtidu waa golaha in badan dalka soo badbaadiyey iyaga oo adeegsanaya waaya aragnimo, xeer dhaqan iyo xikmad. Jiritaanka Golaha Guurtidu waa sharci distoorku qeexey. Balse waxa jira arimo iyo sharciyo Guurtida u gaar ah oo aan melena ku qorneyn, balse hadana Guurtidu ku soo dhaqmi jirtey tan iyo intii ay jirtey, uuna baahan inad iska sii ogaato waaba intaasoo wax kaa galaane:

  • Guurtida sideedaba 5 ilaa 7 qof unbaa talada leh oo ah golaha khusuusiga ee guurtida ah. Waxa intaa yari isku raacdo gudahooda uunbaa inta kalena la dhex dhigaa oo la isku raacaa. Sanadihii sagaashanaadkii waxa golaha khusuusiyaadku ahaa Sheikh Ibrahim (AHUN), Xaaji Abdi Waraabe, Sheikh Muse Goodaad (AHUN), Sheikh Ahmed Sheikh Nuh (AHUN) iyo dhowr odey oo kale, Abdillahi dheerena af hayeenka ayuu u ahaa.
  • Guurtidu marka ay arin ka tashaneyso food lama qaado la iskumana khilaafo. Arimaha waa laga doodaa balse go’aanku waa mid, xubnaha goluhuna hal af ayuunbey kuwada hadlaan.
  • Guurtidu waxa ay gartoodu markasta u janjeedha hadba qofka itaalka roon oo inta badan ah dhinaca dawladdu ama madaxweynuhu la socdo. Waxa ay inta badan yidhaahdaan maslaxadda dalka ayaan eegeynaa. Wey yartahay amase mabay dhicin Guurti iyo madaxweyne is khilaafey.
  • Guurtidu Xaq iyo Baadilba dawladii madaxweyne Ciqaal (AHUN) wey u heelin jirtey. Si ayaad u moodey in Cigaal iyo Guurtidu isku dhoobo ka sameysnaayeen. Markii Cumar Carte iyo Cabdillaahi Oomar (AHUN) Yimaaden dalka iyaga oo damac siyaasadeed leh, waxa ay Guurtidu soo saartey sharci loogu tala galay inu labadaa siyaasi uun xanibo oo odhanayey “qof aan 2 sanadood dalka joogin isma soo sharxi karo”. Hadda waa xeer qaran, balse looga dan lahaa in laba qof uun lagu xanibo.
  • Markii Saleebaan Mohamoud Adan (Guddoomiyaha Guurtida ee iminka xilka haya)  yidhi waan is sharaxayaa shagaashanaadkii, waxa ay Guurtidu soo saartey xeer ah “ninka xaaskiisu ajinabi tahay isma soo sharxi karo”. Hadda garo oo waa xeer qaran balse loogu talo galay in qof lagu daadifeeyo.
  • Sagaashamaadkii markii la maqley Siilaanyo ayaa isasoo sharxayaa, waxa ay Guurtidu soo saartey xeer odhanaya ninka baasaaboor ajinabi ah sita isma sharxi karo.
  • Markii ay yimaadeen siyaasiyiin ku maqnaa Muqdisho oo laga baqay inay Soomaaliland ka tartamaan ama cid u ololeeyaan, waxa ay Guurtidu soo saartey xeer odhanaya qofkii xamar xil ka qabtaa waa danbiile qaran. Hadda garo oo markii doorashadu dhamaatey kuwii isla kuwii xamar xil ka soo qabtay ayaa inta la saamaxay xil loo dhibey. Xaalku waa la jiifiyaana bannaan.
  • Guurtidu kama noqoto go’aan ay soo saareen, hadduu qaldanyahay iyo hadduu sax yahayba. Go’aanka mudo kordhinta ee ay dhawaan Guurtidu soo saartey waxa uu dhaliyey in xisbiyadu heshaayaan oo ay meel dhexe iskugu yimaadaan. Hadaaney Guurtidu go’aankaa soo dhigi laheyn, xisbiyadu mey heshiiyeen. Iminkana Guurtidu waxa ay odhan doontaa, anagu go’aankii an ku kala furaneyney xisbiyada sheegney, balse hadii ay axsaabtu naga maarmaan oo ay dhexdooda ka heshiiyeen waa wanaag. Balse ha filin in guurtidu inta ay shirto ay ka noqoto go’aanka.

Bile

By Mohamed Ali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha
bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

 

Comments

comments

SHARE